Daawo: Sidee Garowe looga arkaa Shirka Amniga Qaranka ee magaalada Muqdisho?

Qaar kamid ah dhalinyarada ku dhaqan caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe ayaa ra’yigooda ka dhiibtay,Wejiga labaad ee Shirkii London ee arrimaha Soomaaliya,kaasoo badankiisa diiradda lagu saarayo Amniga Qaranka,gaar ahaanna isku-dhafka ciidamada iyo dagaalka Al-shabaab.

Shirka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho,waxaana looga hadlay horumarinta Qorshaha kala guurka oo ku saleysan Waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,in la siiwado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed si ay u yeeshaan awood ku filan oo ay ku hanan karaan ammaanka Dalka.

Sidoo kale waxaa si weyn loo falanqeeyey ahmiyadda ay leedahay xoreeynta Degaannada ay weli maamulaan Al-shabaab iyo isku-dhafka ciidamadda Qaranka,kuwaasi oo ah waxyaabaha ay dowladda Soomaaliy mudnaanta siindoonto.

Halkaan hoose ka daawo.

PUNTLAND POST