Wasaaradda maaliyada Puntland oo horgeysay baarlamaanka miisaaniyada 2018

Wasaaradda maaliyada Dawlada Puntland ayaa horgeysay golaha wakiilada miisaaniyada cusub ee ay Dawladu ku shaqayn doonto sanadka soo-socda ee 2018.

Wasiirka Maaliyada Dawlada Puntland Cabdilaahi Saciid Carshe oo khudbad ka horjeediyey Baarlamaanka wuxuu ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyadan maadama wasaaradu in mudo ah u fadhiday shaqada miisaaniyada ayna isku taxa-lujisay inay keento odoroska miisaaniyada 2018.

Miisaaniyada Puntland ee 2018 oo ku salaysan lacagta doolarka ayaa gaaraysa  $92,713,364 sanadkii oo ah dakhli iyo kharash is le’eg, Wasiir Carshe ayaa sheegay inaysan miisaniyadan ku jirin lacago ka muuqday miisaaniyadii 2017 taas oo laga filaayey hay’addo caalami ah hase ahaate aan laga helin, waxaana xusid mudan inay miisaaniyadan ay ku jiraan miisaaniyadaha 7-degmo oo katirsan degmooyinka Puntland iyo deeqaha ka yimaada hay’adaha caalamiga sida Qaramada midoobay iyo Bangiga aduunka.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo la hadashay qaar kamida xildhibaanada golaha wakiilada Puntland waxay sheegeen inay cod u qaadi doonaan meel marinta miisaaniyadan marka ay soo akhriyaan kana soo baaraan degaan.

Inkasta oo sanad walba miisaaniyada Puntland uu baarlamaanku ansixiyo hadana waxaa la sheega inaan loogu dhaqmin sidii ay ahayd aysana si billa ah hay’adaha kala duwan ee Dawlada iyo ciidamadu u helin xaquuqda ugu jirta miisaaniyada sida mushaaraadka iyo gunooyinka, sidoo kale waxaa muuqata inay meesha ka maqan tahay la xisaabtankii golaha wakiilada oo mar walba ah kuwo gacanta un u taaga miisaaniyad walba iyo sharci kasta oo ay xukuumadu usoo gudbiso.

PUNTLAND POST