Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay Iskaashiga Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo wefdi uu hoggaaminayo shalay magaalada Doha kula kulmay Wasiirka waxbarashada dalka Qatar Cabdulwaxiid Cali Al-hammadi.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay iskaashiga horumarinta dhinaca waxbarashada ee Soomaaliya iyo Qatar,sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay wasaaradda Waxbarashada dalka Qatar.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo wefdigiisa ay booqan doonaan xarumaha waxbarashada iyo dhaqanka ee waddanka  Qatar.

PUNTLAND POST