Galmudug iyo Ahlusunno oo heshiis Hordhac ah ku gaaray Djabouti

Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in halkaasi heshiis hordhac ah  ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Galmudug iyo  Madaxweynaha Gobalada dhaxe ee Ahlusunno Waljameeca.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiis hordhac ah oo labada dhinac ay isku fahmeen kadib 8 cisho oo ay ku shirsanayeen gudaha dalka Jabuuti.

Heshiiskaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin katirsan Dowlada dhaxe iyo xubno ka tirsan labada Maamul ee  Galmudug iyo Ahlu-suna iyo Madax ka socotay Ururu Gobaleedka IGAD.

Labada Maamul ayaa waxaa dhaxmaray shirar gaar gaar ah kuwaa oo sababay iney isku soo dhawadaan labada Maamul, arintaana ay sababtay inuu dhaco heshiis labada dhinac ay gaaren.

Qodabadii hordhaca ee lagu heshiiyay ayaa lagu wadaa heshiiska rasmiga in qodobada lagu heshiiyay lagu soo bandhigi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

PUNTLAND POST