Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Bariga Afrika Ee Bosaso.

Bosaso-[Puntland Post]-Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka Jaamacada Bariga Africa ee Magaalada Bosaso, ayaa waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka Gobalka Bari ,Maamulka Jaamacada Bariga Africa, Waalidiin, Aqoonyahano,  iyo Marti sharaf Kale oo badan.

Munaasabada a oo ahayd mid qaab ahaan ka duwanayd kuwii lagu qaban jiray jaamacada marka laga fiiriyo sida loso Agasimay, ayaa lagu sagootinaayay ardaydii ka qalinjabisay Kuliyaddaha kala duwan ee ay Jaamacdu bixso.

Waxaa Sido Kale Ardayda Qalin Jabinaysay Ku Jiray 8 Arday Oo Kuliyada Sharecada Ka Qatay Shahadada Mastarka Ah Ee Waxbarashada Heerka Labaad Ee Jamacada.

Dr Adaan Sheikh Doon Cali Gudomiyaha Jamacada Bariga Afrika ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay iyo Eheladooda ,wuxu sido kale u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Bariga oo uu sheegay in ay dadaal badan galiyeen sidii ardaydan ay heerkan uso gaari lahaayeen ,wuxuuna dhanka kale amaanay waxyaabihii ay qabteen ardayda mudadii ay dhiganaayeen jaamacada .

Macallimiin oo ka mid ahaa macalimiinii wax-soo-baray ardayda ayaa dhankooda ardayda kula dardaarmay in ay ugu adeegaan cilmigii labaray bulshadooda, sidoo kalana ay Midoobaan.

Qaar ka mid ah ardayda dhameystay waxbarshada Jaamacad ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda maamulka iyo Macalimiinta jaamacad E A U iyo waalidiinta, waxan sida oo kale sheegan in Mudad ay wax baranayeen ay wax badan u qabteen bulshada si gaar ah dadka danyarta ah iyo kuwa magaalada .

Wasiir Dowlayaasha Wasaraha Warfaafinta Iyo Dekadaha Puntland Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Axmed Siciid Cabdirixmaan Ayaa Ardayda Kula Dar Darmay Inaysan halkasi wax barshad kaga harin.

Gudomiyaha Gobalka Bari Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Ayaa Goobta Uga Balan Qaday Drs Maryan Maxamed Oo Baratay Cafimaadka Iyo Faadumo Oo Ka Qalin Jabinaysay Kuliyada Enjinerinka Inay La Shaqayn Donan Shirkada Dhisaysa Dekada Bosaso.

Ugu Danbeyn ayaa Waxaa Ardayda la Gudoonsiiyay Shahaadooyin Kala Duwan waxaanna Gudoonsiiyay Gudomiyaha Jaamacad Bariga Afrika Dr Aadan Sheekh Doon Cali iyo Qaar Ka mid ah masuuliyiintii ka qeyb galay.

Cabdiqani Boos

Puntland Post- Bosaso