ABU-MANSUR: Anigu isma dhiibin ee Wadahadal ayaan Dowladda Federaalka kula joogaa

Baydhabo (PP) ─ Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansuur], ayaa sheegay inuusan Dowladda federalka Somalia isku soo dhiiibin, laakiinse uu ku yimid wadahadal yeesheen.

Abu-Mansuur oo maanta kula kulmay Baydhabo Qaar ka mid ah Weriyaasha ayaa ka codsaday inaysan ugu yeerin Sheekh Mukhtaar Roobow oo isku soo dhiibay Dowladda Federalka Soomaaliya.

“Aniga dagaal ayaan la galay Al-shababa, kadib markii ay isku dayeen inay i dilaan, balse u tegistayda Dowladda Somalia waxay ku timid wadahadal aan la galay, heshiis ayaana ku imid Magaalada Xudur, kaddibna waxaan tagay Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Roobow oo ay ka muuqatay kalsooni markii uu maanta warfidiyeenka kula hadlayay Baydhabo.

Balse, Sheekh Mukhtaar ayaa Weriyaasha u sheegay inuusan maanta diyaar u ahayn inay cod ama sawirro ka qaadaan laakiinse uu ugu yeeray oo kaliya inay is-bartaan.

“Fagaare ayaan bulshada kula hadli doonaa maalmaha soo socda markaasna waxaan bal-balaarin doonaa qorshahayga,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Sidoo kale, Wadaadkan ayaa Waddooyinka Baydhabo lagu arkayay dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay isagoo dhex lugeynaya, isla markaana dadka la sheekeysanaya.

Ugu dambeyn, Sh. Roobow ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu ku sugnaa Baydhabo, isagoo hore u soo maray degmada Xudur halkaa oo ahayd halka oo uu tuulooyin ku dhow dhow muddo sanado ah ku noolaa.

PUNTLAND POST