Islow:-“63-Shabaab ahaa ayaa La Qabtay Kadib Qaraxii Isgoyka Zoobe”

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya ay isku soo dhibeen  54 dagaalyahan kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Islow oo hadal ka jeediyay kulan lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay ka Tirsanaayeen Ciidamadda Al-shabaab islamarkaana ay haatan ku jiraan gacanta Dowladda Soomaliya.

“Kadib qaraxii Zoobe waxaa Dowladda Soomaliya isku soo dhiibay 54-dagaalyahan oo ka tirsanaa Ciidamadda Al-shabaab, sidoo kale Ciidamadda Dowladda Soomaliya waxa ay gacanta ku dhigeen 63-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Shabaab, Sidoo kale hay’adaha amniga ayaa gacanta ku dhigay nin iska soo dhigay gabar oo soo xirtay dharka haweenka, waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadda amniga oo har iyo habeen usoo jeeda sugida amniga Magaaldda Muqdisho”, ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale.

Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo lagu xaqiijinayay amniga Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya,kadib qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka 

PUNTLAND POST