Garowe oo looga dhawaaqay Golaha Walaalaynta Bulshada iyo Qabyaalad Diidka

Shirweynahaan oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala yimid magaalooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Buuhoodle, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Baran, waxaana lagaga dooday siyaabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee dadkeena loo walaalayn karo, qabyaaladda iyo isnacaybkana looga saari karo, dhismaha gole shaqadaas u taagan, axdiga golaha, qorshaha shaqada iyo xulashada guddiyadii maamul ee golahaas.

Dood socotay maalintii khamiista oo dhan ka dib waxaa shirweynuhu isla gaaray arrimahaan soosocda:

  1. In dadkeena meel ay dunida kajoogaanba ay haystaan dhibaatooyin kadhashay qabyaaladda iyo dagaallada sokeeye, dhibaatooyinkaasna ay soomaali iyadu aasaas u ahayd, loona baahanyahay inay wax kaqabato; waayo ruqo ninki ilahaa dabada kagataaganyahay ma kacdo.
  2. Si arrintaan wax looga qabto inay lagama maarmaantahay inay is-uruursadaan dadka wanaagasan ee xilkaska ah, ayna isukaashadaan walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo tirtirida cuqdadaha iyo kala shakiga dhexyaal.
  3. In la dhiso Gole shaqadiisu tahay hirgalin ta barnaamijka walaalaynta iyo qabyaaladdiidka oo ay kujiraan dad xul ah ooqaybaha bulshada kasocda, waxaana loogu wanqalay: golahawalaalayntabulshada&qabyaaladdiidka.
  4. Shirweynuhu wuxuu ansixiyey axdiga golaha iyo qorshihiisa shaqo.
  5. Waxaa la doortay guddiga joogtada ah ee golaha dhexe iyo shirguddoon koodii. Waxaa kale oo la doortay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha walaalaynta Eng. Maxamed Cali Cabdi (Badwi).Xafladda xiritaanka Shirweynaha oo luguqabtay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika Garowe waxaa kasooqayb galay Madaxweyne kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin C/lahi X. Cumar Camey, wasiirro, isimo, Cuqaal, Culimo, Ganacsato, Bahda waxbarashada, bahda Saxaafadda, suugaan yahano Iyo ergooyinkii gobolada kayimid.

Ustaad Faarax C/laahi Cumar Gardan ayaa xafladda ku furfuray mahadcelin, soodhaweyn iyo warbixinkooban, kadibna waxaa hadal walaalnimada muslimiinta kahadlaysa soojeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe  Sh. Maxamuud XaajiYuusuf .

Madaxa guddiga qabanqaabada Sh. Axmed C/samad iyo guddoomiyaha fulinta Golaha Walaalaynta Eng. Maxamed Cali ayaa ka warbixiyey ahmiyadda walaalaynta bulshada iyo marxaladihii uu soomaray abaabulka barnaamijkan.

Waxaa kale oo ay wax ka tilmaameen ujeeddooyinka loo aas’aasay Golaha walaalaynta, ahmiyaddiisa, shaqooyinka uu qabanayo, waddooyinka loo marayo, hababka iyo siyaasadaha la raacayo iyo waliba  miraha lagafilanayo.

Waxay codsadeen in barnaamijkaan laga wadashaqeeyo, lana taageero maamul iyo dadweynaba waxayna Cadeeyeen In Golahaani Asan Lahayn Cid gooni ah Kana howl galayn Gobol gooni ah waxaana uu u furan yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed qofwalba oo diyaar u ah in uu kaqayb qaato qabyaalad ladirirka waa u furan yahay .

Suldaan C/qani Qorane oo ka mid ahaa dadka ka hadlay goobta ayaa yiri”Soomaali cid ay la collowdo ayay weyday,Markaasay iyadu cadow iska dhigatay. Waxaa isna dhankiisa bogaadiyey barnaamijkaan Wasiirka Deegaanka  Dr. Cali C/laahi Warsame oo yiri: Barnaamijkaan waan soo dhawaynayaa  waxaan maqlo waa kii ugumudnaa ee aan maqlo , wuxuuna sigaara farta ugu fiiqay saamaynta jahliga iyo faqrigu ay kuleeyihiin faafitaanka qabyaaladda.

Gabagabadii waxaa xafladda soo gunaanaday Madaxweyne Kuxigeenka P/land Eng. C/xakiin Cumar  oo barnaamij kaan  soodhaweeyey, kana hadlay ahmiyaddiisa, islamar kaana soo jeediyey talooyin muhiim ah.

Wuxuuna dhankiisa balan qaaday ka dowlad ahaan inay kala shaqayn doonaan  Golayaasha la doortey siday ku gaari lahaayeen  Guusha iyo Yoolka barnaamijkan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST