Shir looga hadlayey tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Garoowe kusoo xirmay

Shirkaan oo  muddo saddex maalmood ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa lagu lafo gurayey natiijadii kasoo baxday barnaamijkii tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa soo bandhigay xog rasmi ah oo muujinaysa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo ku kala sugan dhammaan xarumaha gobollada iyo caasimadda sidoo kale waxay soo bandhigeen sidii ay u diiwaan geliyeen shaqaalaha dawladda iyagoo sheegay inay qof walba ka qaadeen sawir, suul iyo saxiix isla markaana ay u sameeyeen aqoonsi xaqiijinaya shaqada rasmiga ah ee uu qofkaasi u hayo xarunta uu ka shaqeeyo.

Sidoo kale shirkaddii kala shaqaynaysay guddiga dhinaca fasmada iyo diiwaan gelinta ayaa iyadana aad loo bogaadiyey maadaama ay shaqo ballaaran la soo qabatay guddiga taas oo aan suuro gal noqototeen shirkadda la aanteed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo munaasabaddii xiritaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay xogtaan Wasaaraddu la wareegi doonto maadaama ay ay tahay xogtii guud ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda isla markaana ay iyagu maamuli doonaan kaydka xoga shaqaalaha(Data Base).

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo shirka soo xiray ay u mahad celiyey guddigii soo qabtay shaqadaan iyo shirkaddii kala shaqaynaysey dhinaca farsamada isagoona hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha dawladdu ay yihiin kuwo leh tiro koob rasmi ah oo aanay jiri doonin in la arko shaqaale dambe oo caag leh ama mushahar iska qaata isaga oon shaqayn.

Barnaamijkaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa waxaa ka gacan-siinayey dawladda Baanka adduunka waxaana gundhiggiisu ahaa sidii meesha looga saari lahaa  mugdiga iyo madmadowgii kujirey sax ahaanshaha tirada shaqaalaha dawladda