Qarax Bam-gacmeed ah oo lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland oo marayay Waddo mashquul badan oo ku taala wadad Netko ee Magaalada Bosaso.

Wararka Puntland Post uu helayo ayaa sheegaya in bam-gacmeedka lagu tuuray Askar sarneed gaariga Ciidamada , kuwaas oo marayay mid ka mid ah Waddooyinka ugu mashquulka badan ee Boosaaso.

Isbitaalka guud ee Bosaaso ayaa la geeyey 11 qof oo qaba dhaawacyo kala geddisan kuwaas oo u badan askar, waxaa ku jira dadka dhaawaca ah dad rayid ah oo rasaas ku dhacdey oo goobta ku dhawacmay sida Puntland Post ay u Xaqiijiyeen Sarakiisha Ciidamada Amaanka Bosaso.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano, isla markaana samaynaya hawlgalo.

Qaraxa ayaa kuso beegmay xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo dawlada, walina uu hakad ku jiro maalintii 2-aad ganacsiga magaalada.

Wxii soo kordha la soco Puntland Post  insha allah 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post