Dekadda magaalada Bosaaso oo maalintii 4-aad xiran

Waxaa maalinkii 4-aad haawanaysa dekadda Magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn degaanada Puntland kadib khilaaf soo dhex galay Dawlada Puntland iyo ganacsatada wax kala soo dega waxna ka dhoofsada dekadaas.

Doonyo sida maciishad kala duwan ayaa maalinkii 4-aad taagan duleedka dekadda iyadoo ganacsatadu diiday inay wax kala soo degaan inta laga xalinaayo khilaaf ka dhashay sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka.

Sharuudaha ay ganacsatadu ka biyo diidan tahay waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda hase ahaate Dawlada Puntland ayaa ku eedaynaysa khilaafkan kooxo dano gaara wata oo aan u turayn dekadda iyo bulshada masaakiinta ee ku xiran.

Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay.

Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan, mana muuqato wax xala iyo isu soo dhawaansho laga dhex dareemaayo Dawlada iyo ganacsatada oo ay dadweynihii danyarta ahaa ku dhex liitaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta waxaana la filayaa inuu dhawaan ka dego magaalada Bosaaso oo ay mushkiladani ka aloosan tahay.

PUNTLAND POST