Daawo: Puntland oo Laba kun iyo afar boqol oo askari ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Garowe ee caasumada dowlada Puntland ayaa maanta lagu qabtay munaasabad dowladda federalka Soomaaliya kula wareegtay 2400 (laba kun iyo afar boqol) oo askari,kuuwaasoo laga soo xulay ciidanka Daraashiista Puntland.

Munaasabadda oo lagu qabtay xerada Gen.Maxammed Dirir Ex 54 aad ee duleedka Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya,wasiirka Amniga Puntland ,taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland S/guud Siciid Maxammed Xirsi(Siciid dheere) ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidankaan laga soo xulay Daraawiishta Puntland,islamarkaana mas’uuliyadoodu ay ku wareegtay dowladda Federaalka.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaliya oo ciidanka la wareegay ayaa ku boorriyay in ay laba-jibaaraan dagaalka looga hor jeedo wax uu ku tilmaamay”cadowga umadda Soomaaliyeed”,wuxuuna uga digay in ay ku dhex milmaan dagaallada sokeeye ee dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ciidanka ku wareejiyey wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in hawl badan laga soo maray soo xulidooda

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST