Shir looga hadlayey hannaanka Xifdinta iyo Kaydinta Xogta Dawladda oo Garoowe lagu soo xiray

Waxaa maanta lagu soo gebo-gebeeyey  Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland shir muddo afar maal mood ah uga socdey  dawladda Puntland iyo khuburo ka socotey Baanka Adduunka oo lagu gorfaynayey siyaasado dhaxal u ah dawladda Puntland.

Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ahaa in la faaf-reebo siyaasadda hannaanka Xifdinta,  maamulidda  iyo kaydinta xogta dawladda oo ka mid ah tiirarka ugu muhimsan hannaanka dawladnimo  ee Puntland, iyadoona la doonayo in loo maamulo loona adkeeyo xogta dawladda si la mid ah sida dawladaha hore u maray.

Siyaasadahaan ayaa markii hore waxaa soo diyaariyey khuburo caalami ah muddo dheerna kusoo shaqaynayey arrimaha la xiriira Record and Archive Management System iska markaana ka socdey Baanka adduunka, sidaa awgeed ayaa siyaasadihii oo aan weli la dhaqan geli waxaa loo dhiibey wakiillo aqooonyahano ah oo ka socdey dawladda Puntland, kuwaas oo isugu jirey Agaasimeyaal iyo Madax-qaybeeddo si’ay u faaf-reebaan talooyinkooda ku aaddana ay ugu biiriyaan kadibna loogu gudbiyo goleyaasha sare ee dawladda ee ay arrintaasi khusayso.

Munaasabaddii xiritaanka shirkaan ee maanta ayaa waxaa hadal kasoo jeedisey agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalah ee Wasaaradda shaqada iyo  shaqaalaha Marwo Barni Ciise iyadoona bogaadisey khuburadii caalamiga ahayd ee soo diyaarisay siyaasadahaan iyo dhallinyaradii Aqoonyahanka ahaa ee  dedaalka dheeraadka ah ku bixisay sidii ay faaf-reeb rasmi ah ugu samayn lahaayeen.

Ugu dambayn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawladda Puntland Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo shirka soo xiray ayaa bogaadiyey qaabkii ay dhallinyaradaan shaqaalaha dawladda ahi uga doodeen wax ka beddel iyo wax ku darisna ay ugu sameeyeen siyaasadaan.

Sidoo kale waxa uu ku boorriyey agaasimuhu dhammaan shaqaalaha dawladda in ay dhaqan geliyaan wixii ay  ka faa’iideen muddadii uu shirkaani socdey isla markaana ku tababaraan shaqaalaha aan nasiibka u yeelan inay shirkaani kasoo qayb galaan.