Farmaajo oo ka qeyb galaya shir u dhaxeeya Madaxda Afrika iyo Yurub oo ka dhacaya Ivory Coast

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Dalka Ivory coast ee Galbeedka qaaradda afrika.

Madaxweynaha iyo wafigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan  Shir looga hadlaayo xaaladda wadanka Soomaaliya iyo tan afrika.

Shirkaan oo u dhaxeeya Madaxda afrika iyo Yurub ayaa la sheegay in looga hadli doono Guud ahaan xaalada siyaasadeed mid dhaqaalo iyo dhinaca amniga ee wadamada Africa waxaana wadamada xoogga lagu saarayo ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in halkaasi uu ka jeediyo khudbad ku saabsan Xaalada Soomaaliya, dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa madaxda qaaradda Afrika.

PUNTLAND POST