Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ehlada Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ku wareejiyay Dhul uu ku lahaa Muqdisho.
Dhulkaan oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa baryihii ugu dambeeysay waxaa ka taagnaa muran iyo is qab qabsi.
Ugu dameeyntii maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Dhulkaasi ku wareejiyay ehelada Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo Wariyaasha kula hadlay xarunta uu dhulkaasi ku yaala ayaa sheegay in wixii laga bilaabo maanta ay dhulkaasi iyaga ay leeyihiin.
Dhanka kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay iska wareejiyaan guryaha aanay la heyn oo ay daganyihiin.
Tan iyo Markii ay dhacday Dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa soo badanayay muranada dhanka dhulka.
Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho