Guddiga difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday Saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Saldhiga Turkiga oo dhawaan xariga laga jaray ayaa waxaa tababar uga socdaa ciidamo Soomaali ah oo gaaraya 400 oo askari oo ay ku jiraan Saraakiil.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee tababar siinaya ciidamada Soomaaliya, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka tababarku u socdo.
Xildhibaan Xuseen Carab oo la hadlay Ciidamada tababarku u socdo ayaa ku dhiiri galiyay inay ka faa’iideystaan tababarkan heerkiisu uu sareeyo.
Dowladda Turkiga ayaa ka qeyb qaadanaysa dhisida ciidamo xoog leh oo ay yeelato Soomaaliya, waxayna Muqdisho ku leedahay saldhiga ugu weyn ee ka baxsan dalkeeda.
PUNTLAND POST