Daawo: Booliiska Australia oo xiraya nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay argagixiso.

Booliiska Australia ayaa xiray 20 jir Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu weerarro argagixiso la damacsanaa bartamaha magaalada Melbourne. Booliiska ayaa sheegay in uu dhiirri-gelin ka haystay Islaaminyiinta xagjirka ah,islmarkaana uu ku xirnaa shabakad argagixiso uu gudaha dalka iska abaabulayey.

Hawlgal gaar ah oo Booliisku qaaday duhurnimadii Isniinta ayaa lagu qabtay ninkaan oo lagu magacaabo Cali Shire,isagoo xilligaas ku sugnaa tuulo 32km koonfur galbeed kaga aaddan magaalada Melbourne,halkaaso uu waalidkiis kula noolaa.

Sirdoonka dalka Australia ayaa sheegay in ay su’aalo weydiinayaan ninkaan lagu eedeeyay argagixisada,islamarkaana baaritaan rasmi ku samaynayaan dhammaan xogtiisa khaaska ah.

Baaritaanka horu-dhaca ah ayaa muujinaya in Cali Shire qorshaynayey weerar argagixiso oo uu ku qaado goobaha lagu qabanayo xuska sannadka cusub ee 2018,sida fagaaraha weyn ee magaalada Melbourne ee(central square ).

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST