Gudoomiyaha Gobalka Bari oo ka hadlay Ciidamo Cusub oo Bosaso la keenay

Bosaso-[Puntland Post]-Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado   ayaa ka hadlay Ciidamada dheeraadka ah ee la keenay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gudoomiye Dhado , ayaa sheegay in ciidamadu ay qabanayaan wax uu ugu yeeray dadka fidnada wada, kuwaas oo uusan si toos ah u carabaabin gudoomiyuhu.

”Ciidamadan waxay u socdaan dadka inta fidnada wada inay ka qabtaan, Puntland halkaan waxay kuso gaartay dawladnimo waa la illaalinayaa, ma jiro qof shakhsi ah oo dawladnimada ku ciyaari karaa ma jiro, qof shakhsi ah oo dadka fidno ku abuura oo hadba meel istaaga dawladu uma dulqaadanayso, Ciidanku waxay amar ku qabaan qofkii fidno wada inay qabtaan” Ayuu yiri Gudoomiye Dhado.

Wuxuu intaas ku daray….”Dadka hadba meelahaas ordaya, waxaan jeclaan lahaa inay ka qayb qaataan hormarinta amniga iyo Maalgashiga waxa dalka ka socda, waliba dadka Ganacsatada ah iyo Siyaasiyiinta oo Maslaxada ku haysata dalka, cida laga shaqaysto in la dhibo ma aha”.

Yuusuf Maxamed Waceys Dhado , ayaa ka codsaday dad uu sheegay inay dhibaato wadaan inay dhibka joojiyaa, isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri….”Dhibaatada dadka wada waxaan ka codsanayaa inay dhibta joojiyaan, haddii ay joojin waayaan meel lagu joojiyo ayaa jirta, qofka dhibta wada waxaa dadka ka qabta waa Sharciga, dawladu Ciidan iyo wax kasta waa leedahay, waxaan uga digayaa Qaswadayaasha dhibta ay wadaan”.

Ugu dambayntii wuxuu mahadcelin balaaran u jeediyay Culumada iyo Isimada Puntland oo uu sheegay inay kala shaqeeyaan arrimaha amaanka.

cabdiqani Boos 

Punland Post- Bosaso