Ra’iisul wasaare Kheyre oo magaacabay Wasiirka Gaashaandhiga, Xilkana ka qaaday Wasiir Kale

Degreeto ka soo baxday Xafiiska R/Wasaaraha XFS ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga loogu magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale isla degreetadaasi ayaa xilkii looga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Dhanka kale warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Kheyre uu xil ka qaadis ku sameeyn doono xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya.

Faah Faahin Dheeraad ah dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho