Maqaal:- Hirdanka iyo Loolanka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo sii kordhaya

Wadamada Sacuudiga iyo Iiraan loolanka, is maan dhaafka iyo hirdanka siyaasadeed ee u dhaxeeya mudo sanooyin fara badan ah ayuu taagnaa waxaase uu sii xoogaystay sannadihii la soo dhaafay iyadoo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyayna xaaladu ay cirka isku sii shareeraysay.

Labadan waddan ee (Iiraan & Sacuudiga) oo kala hoggaamiya Shiico & Sunni arimaha ugu waaweyn ee ay ku hardamayaan waxaa ka mid ah dalkii noqon lahaa quwada ugu weyn ee dhinacayada siyaasada dhaqaalaha iyo milatariga looga danbeeyo marka ay timaado hogaaminta waddamada Bariga Dhexe ilaa Bariga Afrika.

Waxyaabaha mudan in la xuso waxaa ka mid ah markii Allaha u naxariistee Madaxweyne Sadaam Xuseen laga tuuray xukunka Ciraaq ayaa waxaa jirta in awood ballaaran ay lasoo baxday Iiraan, taa baddalkeeda waxaa daciifay oo walina haadaan dheer kusii socda siyaasaddii arrimaha dibadda ee waddankii isku magacaabay hormuudkii Islaamka (Saudi Arabia).

Sacuudigu way daawanayeen raalina waa ay ka ahaayeen markii Ciraaq dhulka lala simayay, iyadoo meesha ay ka baxday dowladdii Sunniga majaraha u hayeen, waxaana xukunkii la wareegay Shiicada, taasoo guul dahabi ah ay u noqotay Iiraan.

Bal aanu eegno siyaasada sacuudiga iyo sida ay ugu muuqato in ay tahay mid majara habawsan.

SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA TURKIGA

Turkiga oo maanta awood iyo dhaqaale ku leh dunnida kasbadayna shucuubta dadyowga Islaamka oo idil, Sacuudigu masoo dhaweysan, laakiin taa baddalkeeda waxaa saaxiib dhow ka dhigatay xukuumadda Tehran.

SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA YEMAN

Xukunkii ay majaraha u hayeen dowlad Sunni ah ayay Sacuudigu meesha ka saareen mid kale oo ay soo dhoob dhoobeenna waa dhiseen, nasiib xumo Iiraan oo arrinkaas il-feejigan ku haysa ayaa shiico kicisay illaa markii dambe ay heshiis ka dhex abuurtay madaxweynihii xilka laga dajiyay Cali Cabddala Saalix iyo madaxdii shiicada. Caasimaddii wadanka & inta badan dalka waxaa gacanta ku haya Shiico, ninkii Sunniga ahaa “Mr Saalix” & saraakiil ciidan yar oo uu wato waxaa ku hareeraysan Shiico, waayo waa lagu dan gaaray. Iiraan halkaa waxaa uga suurto gashay in gantaaladeeda lagu gano dhulka Sucuudiga. waana fursad kale oo ka dhalatay siyaasad xumada dalalka Sacuudiga & Imaaraadka. Arrimo siyaasaddeed oo lagu dhamayn lahaa bilo gudohood ayaa waxay maanta la maraysaa sanado dhiig ku daateen.

SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN SYRIA.

Inkastoo fursad fiican uusoo maray Sacuudiga kuna dhawaaday inuu xukunka ka tuuro maamulkii Shiicada ee dalka Syria, nasiib xumase xoogaggii ku kacsanaa iyo Alqaaciddadii magaca beenta la huwiyay ma midaynin, umana samayn hal ajande illaa markii dambe xoogaggii dagaalka kula jiray xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad ay kala tafaraaruqeen kaddibna ay isku badashay howshii Al-Qaacidda (ISIS) iyo mucaaradkii dalka oo tiro yar.

Waxaa batay dagaalyahannadii ISIS oo ujeeddadii loo aasaasay waji kale u yeelay, waxay ku dhawaaqeen inaysan ku ekaanayn Syria laakiin ay socon doonaan illaa Yurub, Mareykanka & dunnida Muslimkaba. Waxaana halkaas albaab uga furmay dalalka Ruushka, Iiraan iyo ururka Xisbullah, waxayna kusoo dagaal galeen inay sifaynayaan argaggixiso iyo inay difaacayaan dowladdii Shiicada. Mar afaraad waxaa halkaas guul ugasoo hoyatay dalka Ruushka oo maanta go’aamada Bariga dhexe talo ku leh, iyo Iiraan oo araxda ka jabisay qorshihii Sacuudigu maalgaliyay oo Reer-Galbeedkuna u durbaan tumeen.

SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA LUBNAAN.

Hoggaamiyaha wata siyaasadda qar-iskaxoorka ah ee Sacuudiga taladiisa la wareegay Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa isagoo raadinaya waddo uu u maro kuna ku dhabar jebiyo Iiraan & ururka Xisbullah ayuu u yeeray Ra’iisal wasaaraha Sunniga ah ee dalka Lubnaan SACAD XARIIRI isagoo magaalada RIYADH jooga ayuu sida wararka ay sheegeen ku khasbay inuu is-casilo, Xariirina waa uu yeelay.

Hoggaamiyaha ururka Xisbullah Xasan Nasrallah oo warbaahinta la hadlay ayaa isaguna warfidiyeennada u sheegay in Sacad Xariiri lagu qasbay inuu iscasilo, waana u ekaatay! waxayna Nasrallaah & Iiraan oo wada socda ka codsadeen Madaxweynaha Lubnaan Misheel Cawn inuusan aqbalin arrinkaas uuna yiraahdo waddanka haku soo laabto Ra’iisal wasaruhu. muddo usbuuc ama todobaad kaddib waxaa warbaahinta Sacuudiga kasoo muuqday Sacad Xariiri oo u eg inuu kusoo lugeeyay waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho. (Rifrifka ka muuqda aad ka yaabayso). waayo Maxamed Bin Salmaan ayaa xabsi guri galiyay.

Waxaa arrinta soo dhexgalay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo furtay Sacad Xariiri wuxuuna keenay Magaalada Paris kaddibna ku celiyay Lubnaan, shir albaabbadu u xirnaayeen oo madaxda dalka Lubnaan yeesheen Sacad Xariiri waxaa lagu qanciyay inuu ka laabto iscasilaadda xilkana sii hayo, Waana yeelay!

Waxaa mar kale fashil foolxun ku yimid ujeedkii Sacuudiga. Maanta Sacuudiga Lubnaan & Sunnigii xukuumadda hoggaaminayeen midna faro kuma hayo, gabayguna waa ka xiran yahay. xukuumadda Tehran baase dhoosha ka qoslaysa.

SIYAASADA SACUUDIGA EE KU AADAN DALKA Qadar.

Waa dal yar, waa dal dhaqaalihiisu uu Bangiyada Yurub oo dhan buuxaan, waa dal shirkado waawayn ku leh Yurub, waa dal galaangalkiisu dhinac walba jiro, waa dal leh siyaasad midaysan oo qunyar socod ah. Imaaraadka oo ka duulaya dhaqaalihiisii oo u wareegay dalka Qadar ayaa Sacuudiga adeegsaday kuna tilmaamay in ay halis qarsoon tahay sidaa darteedna tallaabo laga qaado, cunaqabatayn aan waxba loola harin baa lagu soo ragay, biyo, raashin, daawo, ganacsi nooc walba leh, hawada & badda ayay ka xirteen, dabeedna Iiraan oo fursad uga bannaanaatay ayaa waddankii Qadar ahaa waxay ula soo ordeen, Qudrad,raashin iyo biyo deg deg ah, dalka Turkigana wuxuu keenay, Caano, Hilib, Daawo iyo ciidamo difaaca haddii lasoo weeraro.

Ujeedka ugu weyn oo ahaa in ay dalka Qadar jilbaha dhulka loo dhigo laga waa, ceeb baase ka raacday, mar kale Iiraan oo maalinba maalinta ka dambeya raadinaysay sidii ay Sacuudiga ugu soo dhawaan lahayd ayaa waxaa jirta in maanta ay Sucuudiga ka xigaan Koonfur, Waqooyi iyo Bari. Dhammaantoodna waxaa jooga sirdoon & ciidan u shaqeeya Iiraan, Sacuudiguna iska daah inuu taako horey u qaadee garoomadoodii dayuuradaha baa si dadban duqayn lagu hayaa.

FURSADII UGU DAHABSANAYD GOORMA AYEY SACUUDIGA SOO MARTAY?

Iiraan oo ka caraysan dilkii ay Sacuudigu ku fuliyeen wadaadkii Shiicada ahaa Nimri Al-Nimri ayaa waxaa weerar lagu qaaday safaaraddii & Qunsuliyaddii Sacuudigu ku lahaa Iiraan, waxba kama qaban ciidamada Boliiska Magaalada Tehraan tan iyo intii laga gubayay safaaradda Sacuudiga, waxaana faro ciddi leh ku baxsaday safiirkii,qoyskiisa iyo shaqaalihii safaaradda.

Subixii xigay, waagu markuu baryay Sacuudigu wuxuu waddamadii Sunniga ku cadaadiyay in ay safiirradooda kalasoo baxaan Iiraan xiriirkana diblomaasiyadeedna u jaraan, waa lawada yeelay!

Xukuumaddii Tehran falkaas waa ku fashilnatay, waxayna dhexdhexaadin ka dalbadeen Reer-Galbeedku in ay arimaha soo dhexgalaan, sida caadada u ah Reer-Galbeed Muslim isku jabay waa farxaddooda, ayaa Tehran markay aragtay in xaajo ku qalloocan tahay si asluubaysan bay uga hadleen raali galinna waa ka bixiyeen.

HADDABA MAXAA XIGAY?

Sacuudigu kama faa’iidaysan fursaddaas oo waxaa loo baahnaa in ay waddamada Sunniga ah ula yimaadaan siyaasad furfuran, oo waddan kasta taageero nooc walba leh lala garab istaago, waxay ahayd in ay sameeyaan guddi farsamo oo booqda waddamada Islaamka oo latashiyo kala sameeya arrimaha caafimaadka, waxbarshada, siyaasadda, dhaqaalaha, isku socodka. IWM. Waa sida ka muuqata siyaasaddoodee waxay isku qabaan inay dunnida Muslima iyagu leeyihiin……. waa is dhigteen sidii inay guul joogaan.

Waddamo badan oo filayay in Sacuudigu is furfuri doono ayay Sacuudigu xaajaddii la aadeen meel khalddan waxayna Qaramada Midoobey ka dalbadeen in cadaadis la saaro Iiraan, xisaabtaba kuma darsan waddamadii u hiiliyay!

Dunnidii Muslimka candhuuftay dib u liqeen waana loo aamusay, Sacuudiga oo taageero khalddan raadinaya ayay dunnida Islaamka ka codsadeen in xiriirka diblomaasi loo jaro dalka Qadar……. dee wixii aad ogayd baa dhacay! Yaahuu baa la yiri.

Isku soo xooriyoo marka dhinacyo badan laga eego siyaasadda Iiraan waa mid deggen oo qunyar socod ka muuqdo tallaabo walba oo ay qaadayaana ay in badan ka fiirsadaan, ururrada ay taageerayaan waa kuwo u adeega danaha Shiicada & dowladda Iiraan.

Dhinaca kalane Sacuudiga siyaasaddiisu ma fadhido waxaana ka muuqata seef laboodnimo, waana mid u eg istus-tusnimo, magacii Islaamka waa ku ciyaareen, urur kasta oo ay siyaasad ahaan taageeraanna ugu dambeyntii fashil ayuu ku dhammaadaa!

Qalinkii: Maxamed Jaamac Faarax.