Kooxda kubada Cagta ee Melbounr Somali Team oo Bosaso lagu soo dhaweeyey

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyey Ciyaartoy Soomaaliyeed oo ka yimaday Dalka Australia .

Kooxdan ayaa maalinta Bari ah waxa ay la ciyaari doonta kooxda FC Bari oo dhawaan ku guuleysatay koobka Horyaalka Puntland.

Sida oo kale kooxda Melbounr somali Team ayaa lagu wadaa in ay gaarto magaalada Garowe ee Caasimada Puntland si ay uga qeyb galaan tartan kubadeed halakaasi ka furmaya.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso