In ka badan 20 ruux oo lagu dilay gudaha Ethiopia.

In ka badan 20 ruux ayaa ku dhintay isku-dhacyo dib soo cusboonayd u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Ethiopia todobaadkii tegay,sida ay sheegtay dowladda Ethiopia.

Af-hayeenka Ethiopia Negeri Lenco ayaa sheegay in 98 qof lagu xiray gobolka Oromia, 5 kalena gobolka Soomaalida. Muranka xuduudaha ee mudada dheer iyo joogitaanka militariga ee ku sii kordhaya gobolka,ayaa kiciyay dagaalka u dambeeyey.

Saraakiisha ayaa heshiis gaaray bishii April,waxaana ciidamo la dhigay waddooyinka waaweyn,laakiin isku-dhacyada ayaa sii socday. Dagaalkii bishii Septemper ee sannadkaan ayaa dilay tobanaan ruux,waxaana ku baro-baxay tobanaan kun oo Oromo ah.

“dadku wax alla iyo wixii ay haystaan waxay kala horjeedaan Booliiska gaarka ah ee Soomaalida”,sidaasi waxaa Associated Press u sheegay Galagalo Daalacha oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada mar uu ka warbixinayey dagaal jimcihii dhacay “dad badan ayaa kaymaha u baxsaday kadib markii ciidamadu soo galeen aagga“,ayuu raaciyey Daalacha.

Xigasho/Wakaaladda Wararka Associated Press. https://apnews.com

PUNTLAND POST