Degmada Godobjiraan oo ku guulaysatay Koobka degmooyinka Gobolka Nugaal.

Koobka degmooyinka gobolka Nugaal oo maalmihii u dambeeyey ka socday caasimadda Garoowe,ayaa Galabta la soo gabo-gabeeyey,waxaana ku guulaystay xulka degmada Godobjiraan,halka kaalinta labaad uu galay xulka degmada Buurtinle.

Kulanka kama dambaysta ah oo lagu qabtay Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe ayaa kooxda degmada Godobjiraan rigoore uga adkaatay xulka degmada Buurtinle,waxaana sidaasi koobka ku qaadday degmada Godobjiraan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle oo daawanayey ciyaarta kama dambaysta ah,ayaa bogaadiyey degmooyinka Godobjiraan iyo Buurtinle ee ku guulaystay kaalinta kowaad iyo tan labaad.

Sawirro

PUNTLAND POST