Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah qaybinta iyo Akhrinta warbixinta Guddiga Garsoorka ee la Xariira dhismaha Guddiga adeega Garsoorka iyo fadhi Gaar ah oo ku saabsan hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamud.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jabuuti oo khamiistii soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamud ayaa isla shalay gaaray magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan isagoo halkaas kula soo kulmay Ciidamada Jabuuti ee Gobolkaas ku sugan, iyo madaxda Maamulka Hir-shabelle.
PUNTLAND POST