Camey oo sheegay in meel aanu weligii ka soo bixin lagu ridayo askari gabar ku dhaawacay Bosaso

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) oo Maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay “in meel aanu weligii ka soo bixin lagu ridayo” askari ka tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu eedeeyay in uu gabar ku dhaawacay magaalada Boosaaso.

Camey ayaa tilmaamay in askarigaan uu tacaddi u geystay gabadh lagu magacaabo Faa’iso,dabadeedna u baxsaday dhinaca magaalada Kismaayo,iyadoo halkaasi laga soo qabtay,islamarkaana uu haatan ku jiro gacanta Puntland,sida uu hadalka u dhigay.

halkaan ka daawo Muuqaalka.