Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari), Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha shacabka.
Sidoo kale wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo gaaro Muqdisho, balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Idiris Cali.
Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
PUNTLAND POST