27 ruux ayaa la dilay,kadib markii Fallaagadu ay weerareen ciidamada dowladda Koonfurta Suudaan,sidu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda hoose Khamiistii.
Saddex kamid ah Ciidamada dowladda iyo 24 dagaallame oo daacad u ah hoggaamiyaha Fallaagada Riek Machar ayaa lagu dilay dagaal Arbacadii ka dhacay gobolka koonfureed ee Liech,sida uu Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Wasiirka Warfaafinta Peter Makouth Malual.
Af-hayeenka Fallaagada Lam Paul Gabriel, ayaan ka hadlin dhimashada dagaalka. Wuxuu sheegay in uu isku dayayo in uu gaaro taliyaasha ciidanka ee halkaas.
Debloomaasiyiin iyo falanqeeyaal ayaa u sheegay Reuters horraantii bishaan in aysan u badneyn,in wada-xaajoodkii nabadda uu markale bilowdo si loo soo af-jaro dagaal ay ku dhinteen tabanaanka kun ee abuuray dhibaatada weyn ee qaxootiga.
PUNTLANDPOST