Magaalada Muqdisho waxaa goordhow lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Xildhibaanka oo lagu magacaabi Jiray Maxamed Cabdi Guuleed(Madoobe) ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug waxaana la sheegay in Askari ilaalo u ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka uu ku dilay Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho waxaana la sheegay in gaariga uu watay xildhibaanka la dilay uu ku dhowaaday gaariga uu watay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasina uu toogtay nin ilaalo u ahaa Xildhibaanka.
Magaalada Muqdisho waxaa ku badan kala shakiga soo kala dhexgala masuuliyiinta waxaana xusid mudan in sidaan oo kale meel aan sidaasi uga fogeyn Madaxtooyada lagu dilay allaha u naxariistee Wasiir Siraaji .
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho