Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland.

Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loortay.

Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Ee Muqdisho Cowke 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho