Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kooban

Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee 13-kii bishan ka dhacday guuda ahaan Somaliland ayaa ku dhashay Miyiga Magaalada Hargeysa Sannadkii 1948-kii, waana 69-jir.

Biixi ayaa Waxbarashadiisii Qur’aanka Kariimka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe-ba ku qaatay magaalada Hargeysa. Halka dugsigiiii sare uu ku qaatay Cammuud oo ku yaalla Magaalada Boorama oo uu ka qalin-jabiyay Sannadkii 1970-kii, kaddibna wuxuu ku biiray Ciidamada Cirka ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa bishii May ee Sannadkii 1985-kii ku biiray Jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay Dawladdii Dhexe ee uu Hoggaaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana markii ay bur-burtay Dowladdii Dhexe ayna ku dhawaaqday Somaliland goonni-isu-taaggeeda ka qabtay xilal kala duwan.

Sannadkii 1993-kii ayaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland ee Dowladdii Madaxweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna Wasaaraddaas hayay muddo uu kusoo caan-baxay.

Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid noqday guddigii fulinta, markii la aasaasay xisbiga KULMIYE bishii May ee 2002-dii, Waxaana Guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay sannadkii 2008-dii, Waxaana guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE loo doortay 10-kii November 2015-kii, kaddib shir-weynihii xisbiga, Waxaana loo xushay inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbiga.

Ugu dambeyn, Wuxuu ku hadlaa Luqdaha Ingiriiska, Carabiga, iyo Ruushka. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay Shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka intii u dhexeysay 2008-dii illaa 2010-kii.

PUNTLAND POST