Natiijada rasmiga ah ee Doorashada Somaliland.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa go’aamiyey in natiijada si rasmi ah loogu dhawaaqo Galabta 3:00PM oo haatan wakhti kooban ka dhimanyahay,sida uu PUNTLAND POST u sheegay mas’uul ku sugan xarunta guddiga.

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay shaaciyaan cidda guushu ku raacday doorashadii 13 bishaan laga qabtay guud ahaan Somaliland.

Xisbiga Waddani ayaa maalintii shalay qaaddacay natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxayna sheegeen in ku shubasho la sameeyey,inkastoo guddiga doorashada Somaliland beeniyey eedaymtaasi.

Ilaa iyo haatan lama oga in dhammaan saddexda musharrax imaanayan xarunta looga dhawaaqayo natiijada.

Faahfaahin goor dhow filo:Puntlandpost.net