Mareyanka oo kordhiyay Ciidanka kaga sugan Soomaaliya iyo Hawl-galada ay Fulinayaan

Washington (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay ciidanka ka jooga Somalia ee dagaalka kula jira Kooxda Al-shabaab iyo Ururka Daacish ee ku sugan Buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in sanadihii lasoo dhaafay la kordhiyay ciidamada ka jooga Somalia, kuwaasoo la gaarsiiyay illaa 500 oo askari.

Boqollaalkan Askari ee Mareyanka ee ku sugan Somalia ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa ee Mareykanka kaga sugan Soomaaliya Tan iyo Sannadkii 1993-kii, xilligaasoo Somalia lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah.

Askartan ayaa isugu jira kuwa fuliya howl-gallada gaarka ah, la-talinta, kuwa la-dagaalanka argagixiada, tababaridda ciidamada iyo taakuleynta, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay sugida amniga iyo xoojinta Awoodda Ciidamada Soomaaliya.

Maamulka sare ee Mareykanka ayaa sannadkan xoojiyay weerarada dhanka ka ah Kooxda Al-shabaab ee ay fuliyaan diyaaradaha Drones-ka iyo kuwa kale ee dagaalka, waxaana sannadkan oo kaliya la fuliyay illaa 28 weerar oo duqeymo ah, halka sannadkii hore ay ka ahaayeen 15 weerar oo keliya.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa tan iyo 09-kii bishan la fuliyay illaa Sagaal weerar oo cirka ah, kaasoo mid ka mid ah lala bartilmaameedsaday kooxda ISIS ee saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Taliska ciidamada Dalka Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in Weerarradii u dambeeyay ee Somalia laga fuliyay lagu dilay 40 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida.

Ugu dambeyn, Hawl-galada Qarsoodiga ah ee Mareykanka ka fuliyo Somalia ayaa isugu jira dhismaha shabkadaha Macluumaadka keena, Waxaana inta badan weerarada qaar ay sahlaan marka gacanta lagu dhigo xogo ama qalab laga qabto kooxaha argagixisada.

PUNTLAND POST