DEG DEG Madaxweyne Mugabe oo xilka ka dagay

ZIMBABWE:[Puntland Post]-Madaxweynihii dalka Zimbabwe soo xukumayay 37 sano Robert Mugabe ayaa xilka ka dagay maanta kaddib markii xisbigiisu ugu hanjabeen in ay la tiigsanayaan sharciga islamarkaana ay maxkamad soo taagayaan.

Mugabe oo murankiisa xileed socday maalmo ayaa horay waxa uu u diiday in uu xilka ka dago kadib markii ciidamada xoogga dalkaasi ay si khasab ah talada dalka ugala wareegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa iminka qoreysa in uu xilka ka dagay madaxweyne Mugabe.

Muranka Mugabe ayaa bilowday kaddib markii uu damcay in xaaskiisa oo 41 sano ka yarGrace Mugabe uu xilka dalkaasi ku wareejiyo maadaama uu isaga duqoobay uuna jiro 93 sano.

Si uu arrintaasi ugu fududeeyo xaaskiisa ayaa waxaa uu xilkii madaxweyne ku xigeen ka qaaday saaxiibkiis Emmerson Mnangagwa, sidaasna ay ciidamada kusoo fara-galiyeen arrinta.

Mugaabe ayaa xukunka kala wareegay sannadkii 1980-kii guneystihii dalkaasi xukumayay ee Ingriiska.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post