Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil. |
-DHAMMAAD- PUNTLAND POST |