In ka badan 100 Dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay.

Qoraal uu soo saaray militariga Maraykanka ayaa lagu shaaciyey in tobanaan ka tirsan AL-shabaab ay ku dhinteen duqeyn diyaaradahooda Drones-ka ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika oo qoraalkaan soo saaray ayaa sheegay in duqeynta salaasadii Maanta laga laga fuliyey meel 201 km Waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 100 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab.

Dhinaca kale Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee (SONNA) ayaa soo werisay in duqeynta lagu beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degaan lagu magacaabo Buur-ceelcadde oo ka tirsan gobolka Baay una  dhexeeya Xabaal barbaar, Diinsoor iyo Buurhakaba.

wakaaladdu waxay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ka soo xigatay in duqeynta lagu dilay ku dhowaad 100 malayshiyaad ah iyo madax sare oo ka tirsan Al-shabaab.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la-dagaallanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saaka duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100”,ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Yariisow),wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

PUNTLANDPOST