Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ansixiyey Qaraar cusub.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa Salaasada Maanta ansixiyey qaraar ku baaqaya in tallaabooyin adag la qaado si looga hortago tahriibinta dadka iyo addoonsiga casriga ah dhammaan daafaha caalamka.

Qaraarkan ayaa waddamada caalamka ku boorrinaya in la dhaqan-geliyo xeerarka la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo in dadaal badan la geliyo sidii loo xaqiijin lahaa burburinta iyo kala-furidda shabakadaha addoonsiga ee caalamka.

Dhammaan 15 xubnood ee Golaha Amniga QM ayaa anixiyey qaraarka,waxayna sheegeen in ay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo arrintaas. Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha u sheegay in horumarka caalamka lagu xoojin karo la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo addoonsiga.

Guterres ayaa ku baaqay in la caawiyo muhaajiriinta caalamka,sidoo kalena la ilaaliyo qaxootiga ku sugan waddamada colaaddu ragaadisay,sida Libya ee u nugul addoonsiga. Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada dhowaan  ayaa muujiyey soogalooti Afrikaan ah oo lagu iibinayo dalka Libya.

“maalmihii u dambeeyey waxaa argagax nagu beeray sawirada ka imaanaya dalka Libya ee muujinaya Afrikaanka la xaraashayo sidii badeecadaha. Waa mas’uuliyadeenna wadareed inaan joojinno denbiyadaan.It is our collective responsibility to stop these crimes”,ayuu yiri Guterres.

PUNTLAND POST