Saameyn intee la’eg ayay Dowladda Shiinuhu ku leedahay Waddanka Zimbabwe?

Muqdisho (PP) ─ Safar uu dhawaan dalka Shiinaha ku tagay taliyaha militariga Zimbabwe ayaa ahaa mid iska caadi ah oo lagu xoojinayay xiriirka xagga ciidammada ee labada dal, sidaasi waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha kadib afgambigii Harare ka dhacay.

Taliyaha Jeneraal Constantino Chiwenge ayaa Shiinaha booqday maalmo uun ka hor intii uusan dhicin afgambiga.

Waxaa jiray warar aad la’isula dhexmaray kadib markii Shiinaha uu sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda Zimbabwe, balse uu ka gaabsaday in uu cambaareeyo in xilka laga qaado Mugabe.

Shiinaha ayaa Zimbabwe ku leh maalgashi gaaraya balaayiin doolar oo ah dhanka beeraha iyo dhismaha. Xiriirka labada dal u dhaxeeya waa mid qoto dheer oo soo biloowday xiligii gobonimo u doodka ee Rhodesia.

Sanadkii 1979-kii, Robert Mugabe ayaa ku guuldaraystay in uu hub ka helo Midoowgii Soviet sidaas darteed waxa uu u leexday dhanka Shiinaha oo uu ka heley hub iyo tabobar intuba.

Labada dal ayaa xiriir dublamaasiyadeed yeeshay markii Zimbabwe ay xornimada qaadatay sanadkii 1980-kii, kadibna uu Mugabe booqasho ku tagay magaalada Beijing isaga oo Ra’isulwasaare ah.

Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu halkaas u tagayay si joogto ah.

Muddo sanooyin ah, madaxda Zimbabwe ayaa u ololeynayay in xiriir wanaagsan lala yeesho Shiinaha kadib markii dalalka reer galbeedka ay soo rogeen cunaqabatayn.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa sidoo kale aad u xoogaystay iskaashiga ciidanka ee labada dal.

Zimbabwe ayaa Shiinaha kasoo iibsatay diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Hongdu JL-8 iyokuwa kale ee loo yaqaano JF-17, gawaari gaashaaman, raadaaro iyo agab kale.

Balse muran labada dal dhexmaray sanadkii 2008-dii oo ku saabsanayd shixnad hub ah, ayaa waxa uu Shiinaha go’aansaday in uu hoos u dhigo ganacsiga hubka ee uu la leeyahay Zimbabwe.

Zimbabwe ma aysan helin sidii ay ka filaysay shiinaha, waxayna taas kaliftay in madaxweyne Mugabe uu sanadkii 2015-kii ku baaqay in xiriirka reer galbeedka uu la leeyahay Zimbabwe la hagaajiyo.

Hadda xaalka waxa uu yahay in reer galbeeka, gaar ahaan Britain iyo Shiinaha ay dano waaweyn ku leeyihiin Zimbabwe, iyaga oo safaarado waaweyn ku leh Harare.

Safaaradda Ingiriiska waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay ganacsatada, ururada bulshada rayidka ah iyo mucaaradka, halka safaaradda Shiinaha ay xiriir wanaagsan la leeyahay xisbiga ZANU-PF , nabad suggida iyo madaxtooyadda.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jingping ayaa Zimbabwe booqday sanadkii 2015-kii , halka Mugabe uu Shiinaha booqday bishii Janaayo ee sanadkan 2017-ka.

Madaxweynaha Shiinaha waxa uu fagaaro ka sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in shirkadaha ay maalgashadaan Zimbabwe, balse si gaar ah waxa ay fariintu ahayd in Zimbabwe aanan amaah kale la siin doonin illaa ay salka u dhigaan dhaqaalahooda.

Shiinaha waa dalka ugu weyn ee iibsada tubaakada Zimbabwe ka baxda, balse waxaa la sheegay in ganacsatada Shiinaha ay la kulmeen caqabado, sidaas darteed ay raadsadeen meelo kale oo ay tubaakada ka iibsadaan.

Shiinaha ayaa xagga maalgashiga xoogga saaray dalalka Ethiopia, Sudan iyo Angola. Danaha Shiinaha ee maalgashiga waxa ay ku xiranyihiin hadba sida uu yahay jawiga dalka Zimbabwe.

Ugu dambeyn, Markii uu Mugabe tagay Shiinaha sanadkan, waxaa loosoo sheegay in Zimbabwe u baahantahay xasilooni, iyo dowlad isla xisaabtan leh, markaas kadibna uu maalgashiga iman karo, fariintaas oo kalena waxaa todobaadkii hore loosoo dhiibay taliyaha ciidammada.

Xigasho: BBC

PUNTLAND POST