Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo tuurtay dacwad laga gudbiyey Doorashadii ku celiska ahayd ee dalkaasi.

Kadib maalmo rabashado ah oo taageerayasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kenya NASA ay dibax-baxyo ka dhigayeen caasimadda Nairobi,ayaa Maxkamadda sare ee Kenya Maanta xukuntay in la tuuro dacwaddii laga gudbiyey doorashadii ku celiska ahayd ee dalka.

Maxkamadda ayaa sharci ka dhigtay guusha Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii ku celiska ahayd ee bishii hore laga qabtay dalka,taasoo uu qaaddacay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA Raila Odinga,Waxaana ay go’aamisay in Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo 28 bishaan Nov.

Dhammaan lixdii Xaakim ee dhegaysanayey dacwadda laga gudbiyey doorashadii ku celiska ahayd ayaa isku raacay in gebi ahaanba la tuuro dacwadda,islamarkaana uu si sharci ah u guulaystay Uhuru Kenyatta .

Axaddii Shalay Booliiska Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 4 ruux ku dinteen rabshado hareeyey xaafado ka tirsan magaalada Nairobi,taasoo ay sameeyeen taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee NASA.

Laakiin hoggaamiyaha XisbigaNASA Raila Odinga ayaa dowladda ku eedeeyay dilka dadkaas,wuxuuna tilmaamay in la weeraray shacab muddaharaad nabdoon dhigayey.

 

PUNTLAND POST