Madaxweyne Waare oo soo Dhisayo wasiiro aanay xubno ka aheyn Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in 48-ka saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aysan xubno ka ahayn xildhibaanada.

Kulamo waqti badan qaatay ayaa ka dhacay Madaxtooyadda Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladda Jowhar waxaana la sheegay in madaxweyne Waare uu xildhibaanadda ku wargaliyay in Golaha wasiiradda uu soo dhisi doono aysan xubno ka noqoneyn xildhibaanada baarlamaanka islamarkaana ay noqon doonaan Golle wasiiro oo tayo wanaagsan.

Maxamuud Wabar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qorshaha Golaha wasiiradda uu kusoo dhisi doono uu noqon doono mid ka badalan qaabkii hore.

Madaxweynahii Hore ee Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa magacaabay Golle wasiiro oo ka yimid Baarlamaanka Hir-shabelle tiro ahaana gaaraya 33-xildhibaan.

Ergadii ansixisay dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay isku raaceen in aan laga soo xulin xildhibaanada golaha wasiirada, iyadoo qodobka 31-aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabelle uu qorayay, Hase yeeshee fadhi ay yeesheen xidhibaanada baarlamaanka Hirshabelle bishii Oktoobar 2016 ayaa laguĀ  bedeley qodobkaas, iyagoo ku tilmaamay inuu ka horimanayo dastuurka dowlada federaalka.

PUNTLAND POST