Madaxweynaha Puntland iyo wefti uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey Addis Ababa

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee saaka 20 Nov 2017 u ambabxay dalka Ethiopia ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markuu casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha debedda dalka Ethiopia, iyo  wakiilka dawladda Puntland u fadhiya dalka Ethiopia.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kulan kooban kula qaaten qolka nasashada [VIP]  ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa masuuliyiintii ka socotey wasaaradda Arrimaha debedda iyo Wakiilka dawladda Puntland u  fadhiya dalka Ethiopia.

Kulanka Madaxweynaha dawladda Puntland uu la yeelandoono Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa looga wada hadlidoonaa arrimo la xidhiidha Amniga, gacsiga, xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo Ethiopia iyo xaaladda guud ee mandaqadda.

Safarka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yimid kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopa yeelan doonaan melinimada berito ee foodda inagu soo haysa kulan koodii ugu horeeyey ee safarkani.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.