Kooxo hubeysan oo Weeraray Koontarool ay Muqdisho ku lahaayeen Ciidamada Xasilinta

Muqdisho (PP) ─ Ciidanka xasilinta Muqdisho ayaa lagu rasaaseeyay xalay bar-koontarool oo ay gaadiidka ku baarayeen oo ku yaala Xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo watay baabuur yar oo kuwa raaxada ah, waxayna ciidamada rasaas ku fureen iyagoo ku gudo-jiray hawl baaritaan ah oo lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Mid ka mid ah ciidamadii ku jirtay baaritaanka ayuu dhaawac soo gaaray, kaasoo markii dambe dhaawiciisa u geeriyooday, iyadoo askar kale oo dhawr ahna ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Ciidammo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho oo gaadiid kuwa dagaal ah wata ayaa dur-badiiba goobta gaaray, inkastoo kooxihii weerarka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Dhanka kale, Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa yaraaday Weerrarada lagu fuliyo gaadiidka ee ay adeegsadaan kooxha hubeysan, kaddib markii ciidamada ammaanka ay bar koontaroolo ka sameysteen Waddooyinka ku yaalla caasimadda oo dhan.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin falkan ay kooxaha hubeysan ku weerareen ciidamada dowladda ee goobta koontaroolka ah ku sugnaa.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa noqonaya midkii u horreeyay noociisa oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo weerarrada noocan oo kale ah ay horay uga dhici jireen qaybo ka mid ah gobollada ku dhaw-dhaw Muqdisho.

PUNTLAND POST