Faallo: Muuse Biixi oo noqon doona Madaxweynaha Somaliland

Waxaa wali la sugayaa natiijadii doorashadii madaxtinimo ee 13-kii November todobaadkii hore ka dhacday Somaliland, taas oo ay ku dartamayeen saddexda musharax ee kala socda saddexda xisbi ee Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Ciro iyo Ucid oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe.

Sidee u dhacday doorashada Somaliland?

Somalilnad oo adduunku u aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya, balse iyadu isku magacowday Jamhuuriyad madax banaan ayaa la sheegay todobaadkii hore in ay noqoneyso goobtii ugu horeysay oo qaarada Afrika ah oo ay ka dhacdo codbixin dadku ay isticmaalayaan Aalada casriga ah ee loo yaqaan Iris, taas oo wajiga qofka aqoonsata haddii uu markale soo laabto.

Balse doorashadii Somaliland ka dhacday ee 13-kii November todobaadkii hore ma noqon mid taariikhi ah, waxaana ka dhacay khaladaad fara-badan, kadib markii la sheegay in aan la isticmaalayn Aalada casriga ah ee loo yaqaan Iris oo wajiga qofka aqoonsata iyo iyadoo la sheegay in la isticmaalay waraaqaha codeyna oo been abuur ah, iyadoo sidoo kale Kor-meerayaasha caalamiga ah ee doorashada ayaa soo bandhigay dal-daloolooyin dhowr ah oo dhacay.

Maxay ka yiraahdeen Kor-meerayaasha caalamiga ah doorashada?

Kor-meerayaasha caalamiga ah ee doorashada Somaliland goob-jooga ka haa ayaa qoraal hor-dhac ah oo ay soo saareen 15-kii November waxay ku sheegeen in doorashadu u dhacday qaab wanaagsan, balse waxay soo bandhigeen dal-daloolooyin ka muuqday qaabka ay u socotay doorashadu, iyagoo sheegay in hanaanka wacyigalintu ay aad u liidatay taasina keentay in dad badani ay garan waayaan goobaha ay codka ka dhiibanayaan.

Kor-meerayaasha caalamiga ah ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in ay ka war hayaan caruur aan gaarin da’da codeynta oo loo ogolaaday in codeeyaan.

Sidoo kale Kor-meerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in qaabkii sirta ahaa ee loogu talagalay in uu codeeyuhu codkiisa ku dhiibto la kashifay ama banaanka la soo dhigay, sidoo kale dadka waayeelka ah ee u baahnaa caawinta cidii ay u codeyn la haayeen la is waydaariyay meelaha qaarkood, iyagoo intaas ku daray in dhawaan ay soo saari doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan doorashada Somaliland.

Rabshado iyo isqab-qabsi ka dhacay Doorashada

15-kii November 2017 mudaraadyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Burco , Hargeysa iyo Ceerigaabo, kadib markii xubno kamid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay sheegeen in musuq-maasuq ka dhacay doorashada, iyagoona wakiiladii matalayay kala baxay xarunta Gudiga doorashooyinka ee Hargeysa, rabshadahaas 3 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana way ku dhaawacmatay.

Balse 18-kii November 2017ayaa is-afgarad laga gaaray cabashooyinkii xisbiga Waddani qabay,kadib labo maalmood oo wadahadalo u socdeen iyaga iyo guddiga doorashada Somaliland.

Xisbiga Waddani ayaa xalay mar kale wakiiladiisa kala baxay Guddiga doorashada, kaddib markii ay sheegeen in Guddigu ay ka hor-istaageen in la baaro qaar kamid ah sanaadiiqdii laga keenay Gabiley, balse isla xalay ayay dib ugu soo noqdeen wakiiladii Waddani, kadib markii la xaliyay cabashadii ay qabeen.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa tirinta codadka ugu danbeysiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley ee gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, taas oo dhilisay shaki ah in lagu shubtay, iyagoo Muuse Biixi uu ka soo jeedo gobolkaas, waxayna tirinta codadka ee gobolkaas qaadatay muddo shan bari ah, iyadoo la soo gaba-gabeeyay maanta galinkii hore.

Todobaad ayaa ka soo wareegatay doorashadii dhacday Isniintii hore, waxaana xeerka doorashada ee Somaliland uu dhigayay in todobaad gudihiis lagu shaaciyo natiijada doorashada, wuxuuna waqtigaas ku ekaa saaka lixdii subaxnimo, ilaa iyo hadana ma aysan sheegin Guddiga doorashada xeerka ay u cugsanayaan dib u dhaca natiijada.

Muxuu ka yiri doorashada Faysal Cali Waraabe?

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid  Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa amaanay qaabkii ay u dhacday doorashii madaxadtinimada Somaliland ee natiijadeeda weli la sugayo.

Faysal Cali Waraabe oo siysaasadiisu u janjeerto xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay natiijada doorashada in la aqbalaa ay waajib tahay.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu canbaareeyay rabshadihii 15-kii November ka dhacay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo isagoo eedana saaray musharaxa xisbiga mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Ciro.

Maxay isaga egyihiin doorashii 2003 iyo tan 2017?

Doorashadii April 2003 ka dhacday Somaliland ayaa waxaa ku guuleystay Daahir Riyaale oo u sharaxnaa xisbigii markaa talada hayay ee Udub, isagoo helay codad dhan 205,595 oo u dhiganta 42.80% cod, halka Xisbiga Kulmiye oo markaa mucaarad ah uuna u sharaxnaa Axmed Siilaanyo uu helay 205,515 oo u dhigma 42.07% cod, sidoo kale Xisbiga Ucid oo u sharaxnaa Faysal Cali Waraabe ayaa helay 77,433 oo u dhiganta 15.85% cod.

Doorashadii 2003 oo Daahir Riyaale ku guulestay 80 cod oo kaliya ayaa la sheegay xiligaas in lagu shubtay codadka, iyagoo xisbiga Kulmiye uu aa minsanaa in uu isagu guuleystay, inkastoo markii danbe lagu qanciyay natiijada.

Muuse Biixi hadda waa musharaxa xisbiga talada Somaliand haya ee Kulmiye waxaana la aamin sanyahay in uu awoodo badan u isticmaalay doorashada sidii tii Daahir Riyaale oo kale.

Maxay noqon kartaa Natiijada doorasha hadda la sugayo?

Muuse Biixi Cabdi

Iyadoo dib loo xasuusto tii 2003 ayaa la aaminsan yahay in doorashada natiijadeeda la sugayo uu ku guuleysan doono xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu madaxweyne ugu sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi.

Natiijada oo ilaa caawa fiidkii soo bixi doonta ayaa warar xog ogaal ah oo aan helnay sheegayaan in Guddigu ay si hor-dhac ah ugu dhawaaqi doonaan in uu guuleystay xisbiga Kumiye ee Muuse Biixi, waxaana hadda socota sidii xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Ciro loogu qancin lahaa natiijada soo bixi doonta.

PUNTLAND POST

Hargeysa