Daawo:- Mudaharaadyo maanta ka dhacay Bosaso iyo Maamulka gobalka Bari oo ka hadlay

Bosaso-[Puntland Post] Bannaanbax ka dhan ah Shirkadda P&O PORT oo la wareegtay gacan ku hanta  Dekadda. ayaa maalintii 2-aad ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dadka bannaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween, ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ”Waa in si dag adg ah loo dhameeyo Khilaafka Dekadda”, waxaana ay socod kuso mareen qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Bannaanbaxa ayaa ahaa mid Nabadeed, mana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacay sida kuwii ka horeeyay oo dad ay ku dhinteen, laguna burburiyay Hanti.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Bari, Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] oo warbahinta Boosaaso kula hadlay aya eeden u Jeediyey dad uu ku sheegay in ay ka danbeeyaan kicinta shacabka reer Puntland gaar ahaan kuwa Boosaaso.

Gudoomiye Dhado waxa uu sheegay in dadkaasi ay ku jiraan Nabadoono iyo dad wax garad ah, lakiin ay iyagu ay garawsadeen in ay shacbaka ay adeegsadan isla markan ay talaabo sharci ah ka qaadi doonan.

Lama oga sida ay xaaladu noqon doonto, hasa yeeshe waxaa dadku ay ka cabanayaan in maamulka P&O PORT ee Dekadda Boosaaso uu ku keenay sicir barar dhinaca cunatada ah.

 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post – Bosaso