Xukuumadda Puntland oo shir aan caadi ahayn ku ansixisay miisaaniyadda 2018

Ka dib shir aan caadi ahayn oo ay galabta ku yeesheen magaalada Garowe Gollaha Xukuumadda Puntland waxay ku meelmariyeen Miisaaniyadda 2018-ka ka dib markii ay gollaha horgeeyeen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Cabdulaahi Siciid Caarshe, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo goobjoog u ahaa shirka gollaha Xukuumadda ayaa cadeeyay inay dhan tahay Miisaaniyadda Dowladdu 92,713,364 Million, waxaana laga saarey sanadkaan miisaaniyadda lacago laga filayay in laga helo Hay,addaha UN-ka.

Sida ka muuqata waxaa marba marka ka dambeysa kobceysa miisaaniyadda Puntland , Iyadoona la filayo dhawaan in la horgeeyo Gollaha Wakiiladda ka dib meelmarintii galabta Gollaha Xukuumadda.
Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST