ONLF oo ka hadashay go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qalbi Dhagax 

Jabhadda ONLF ayaa soo dhawaysay go’aankii ka ka soo baxay Golaha shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya 18 November, 2017 ee ku saabsanaa dhiibista Abdikariim Sh. Muuse (Qalbi Dhagax)

Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in si niyad-sami ah ay u soo dhawaynayso go’aanka Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay aaminsan tahiin  inuu yahay go’aan ka turjumaya xilka Golaha Shacabka ka saaran ilaalinta shuruucda dalka iyo la-xisaabtanka cidda ku xadgudubta.

Sidoo kale ONLF ayaa u mahad celisay xubnaha Guddigii Gaarka ah ee kiiska loo xilsaaray oo ay sheegeen in ay si cadaalad iyo wadaninnimo ku dheehan tahay u baareen daw-darrada lagu sameeyay muwaadinkaas Soomaaliyeed iyo xubnaha Golaha Shacabka oo si kalasooni ku jirto u ansixiyay natiijadii baarista kasoo baxday.

Waxay sidoo kale ONLF u mahad naqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed, oo ay sheegeen in si aan kala-hadh lahayn uga dhiidhiyeen gabood-falka ay xukuumadda federaalku u gaysatay mudane C/kariim Sh Muuse (QalbiDhagax).

Dhanka kale Jabhadda ONLF ayaa si adag u cambaaraysay xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ku caddaatay inay galeen dambi u dhigma khiyaano qaran, iyagoo si cadna ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya, ka dib markii ay si sharci darro ah Itoobiya ugu gacan galiyeen mudane C/kariim Sh Muuse (Qalbi-dhagax), daba-yaaqadii bishii Agust, 2017.

ONLF ayaa Dawladda Soomaaliya ka codsatay in sida ugu deg-deg badan ugu hawlgalaan sidii lagu soo celin lahaa Cabdikariim Sh Muuse (Qalbi-Dhagax).

Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku go’aamiyay:

  1. In dhiibistii C/kariim Sh Muuse ay ahayd sharci darro, isla markaana ay ka soo horjeedday shuruucda dalka u yaalla.
  2. In Jabhadda ONLF ayna argagixiso ahayn, beesha caalamka iyo Soomaaliyana aynu u aqoonsanayn inay argagixiso tahay.

PUNTLAND POST