Arday ka qalin-jebisay Saxaafadda oo XafLad Garoowe loogu qabtay.

Munaasabad ay ku qalin-jebinayeen 20 arday oo cilmiga Saxaafadda ka bartay Mac-hadka Soomaali Journalism College ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Puntland,Waxgarad,Haween iyo dhalinyaro.

Gudoomiyaha Mac-hadka Soomaali Journalism College, Jaamac Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo ka warbixiyey u jeedooyinka loo aas-aasay mac-hadka ayaa sheegay in hadafkiisu yahay sidii loo soo saari lahaa weriyaal xirfad iyo aqoon u leh saxaafadda iyo in shaqo abuur ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mac-hadkaan oo furan muddo sannad iyo bar ah ayaa waxaa ka baxay ilaa 50 arday oo bartay cilmiga Saxaafadda,kuwaas oo qaarlood ka shaqeeyaan xarumaha warbaahinta ee Garoowe,sida uu sheegay gudoomiyaha mac-hadka.

Jaamac Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray” waxaan naga go’an inaan soo saarno suxufiyiin xirfad iyo aqoon sare u leh warbaahinta “isagoo tilmaamay in mac-hadku xarumo cusub ka furan doono Magaalooyinka Puntland.

Qaar kamid ah Suxufiyiinta ka baxay mac-hadka ayaa u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta,waxayna sheegeen in aqoonta ay barten ay uga faa’ideynayaan dalka iyo dadka,islamarkaana ay wax ka baddeli doonaan Saxaafadda Puntland.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ku amaanay Mac-hadka Saxaafadda Soomaaliyeed ee Somali Journalism College dadaalku uu ugu jiro sidii uu soo saari lahaa suxufiyiin tayo leh iyagoo ardayda kula dardaarmay in ay sii kordhiyaan xirfadooda Warbaahinta.

Sawirada.

 




Cabdiraxmaan Ciise Cumar 

PUNTLAND POST