Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka ka furmay Shirka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayo arinta Qalbi Dhagax.
Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay warbixino ka dhageysanayaan Guddiga loo xil saaray baaritaanka dhiibistii Qalbi Dhagax.
Shirkaan ayaa waxaa xaadir ah 156 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya .
PUNTLAND POST ayaa heshay Ajandaha shirkaan goordhow furmay looga hadlayo.
Xubnaha Baaritaanka Qalbi Dhagax ayaa Baarlamaanka ka hor aqrin doono baaritaankooda iyo wixii ay ku soo ogaadeen.
Xukuumada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay cadaadis ku saareeysay in Baarlamaanku aanu ka hadlin Arinta Qalbi Dhagax oo Dowlada lagu eedeeyay in ay u dhiibtay Sirdoonka Itoobiya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho