Daawo:- Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyey kulan uu Maanta la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey kulan uu Maanta Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Qin Jian oo markii ugu horreysay Puntland soo booqday,islamarkaana muddo saddex cisho ah joogay caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda dalka China ay kawadaan Puntland, samaynta xidhiidh dhaw ay yeeshaan Puntland iyo dalka China iyo guud ahaan Soomaaliya, horumarka ay dawladda Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka China ee Soomaaliya ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalka China u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

halkaan ka daawo muuqaalka.

PUNTLAND POST