Amniga Magaalooyinkii Somaliland ee ay Rabshaduhu ka dhaceen oo Maanta Deggan


Hargeysa (PP) ─
Kaddib rashado ka dhashay muran ka taagan doorashadii ka dhacday Somaliland ayaa xalay ka dhacay deegaano ka tirsan maamulka iskiis-isku-magacabaay, iyadoo lasoo sheegayo maanta in xaaladda goobihii ay rabshaduhu ka dhaceen ee Hargeysa iyo Burco ay deggen yihiin maanta.

Inkastoo ay xaaladdu daggan tahay, haddana waxaa jira muran xoog leh oo weli ka taagan doorashadii ay ku tartameen xisbiyada Somailland ka jira oo qaarkood ay sheegeayaan in codadka doorashada lagu shubtay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer, Maxamed Diiriye Xayd ayaa u sheegay BBC-da inay daggan tahay xaaladda xaafadihii ay Rabshadaha ka dhaceen xalay ee Burco.

Waxay arrintani ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ay dhaliil u soo jeediyeen hanaanka doorashada. Waxay sheegeen inay hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen gudiga doorashada kaddib markii la dhagaysan waayay cabashadooda ku aadan doorashadii la qabtay Isniintii.

Afhayeen u hadlay Xisbiga Waddani oo lagu magacaabo, Cusmaan Af-gaab ayaa sheegay inuu jiro musuq-maasuq uu ka mid yahay in meelaha qaar lagu codeeyay warqado been-abuur ah, caruur codeysay iyo in wakiilladooda laga saaray xarumaha qaar ee codeynta”.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyiinka  Somaliland, ayaa codsaday in ciddii cabasho qabta ay u gudbiyaan guddiga, sidoo kale wuxuu ku baaqay in aan laga hordhicin natiijada.

Gudoomiyaha guddiga, Cabduqadir Imaan Warsame oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay “wixii cabasho sharci ah, diyaar baan u nahay in aan xallino”.

Laakiin, dadka ku nool xaafadaha dhanka galbeed ee Burco waxay sheegeen in ciidamo booliis iyo military isugu jira la geeyay halkaas. Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan. Dhanka Booliska wuxuu ka dalbaday in ay shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan.

Rabshada ka dhacay xaafado ka tirsan Burco waxaa “ku dhintay hal qof, tiro kalena way ku dhaawacmeen”, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer. Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah askeri boolis ah, oo ka mid ahaa kuwii ka hortagayay rabshadaha.

Ugu dabmeyn, Xaafadda New Hargeysa oo ka tirsan Hargeysa waxaa Iyana ku dhimatay gabar ka dib markii booliska iyo dibadbaxayaasha ay isku dheceen. Dad badan ayaa la xirxiray ka dib isu soo baxyadaas ka dhacay xaafado ka tirsan Hargeysa iyo Burco.

PUNTLAND POST