Wasiirka Amnga oo sheegay in Tallaabo adag ay ka Qaadayaan Dadka beenta ka faafiya DF

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale] ayaa u digay dadka xukuumadda ka faafiya wararka been-abuurka ah, kuwaasoo uu sheegay in shacabka lagu jah-wareerinayo, isla markaana ay lid ku yihiin ammaanka dalka.

Ducaale oo ka hor-hadlayay kulanka Golaha Wasiirada ayaa sheegay inaan marna la aqbali doonin in la qalqal-geliyo amniga, isla markaana ay jiraan dad faafiya wararka aan sal iyo raad lahayn.

“Marna lama aqbali doono shaqsiyaad bulshada ka mid ah ay wararka been-abuur  ah oo amniga liddi ku ah ay faafiyaan, waxaana laga qaadayaa ciddii lagu helo tallaabo sharci ah,” ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in wararka beetan ah ee lagu faafinayo bulshada dhexdeeda ay khatar weyn ku yihiin sugidda ammaanka. Isla markaana aysan jirin cid ay ka ogolaan doonaan inay ammaanka dalka u geysato dhibaato.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan baraha bulshada lagu baahinayay warar liddi ku ah amniga iyo qoraalo been abuur ah oo shacabka  lagu jah-wareerinayo, kuwaasoo leh astaamaha xafiisyada Dowladda.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay sheegtay inay jiraan xubno ka soo horjeeda dowladda, isla markaana doona inay lugaha qabtaan, waxayna sheegeen in xubnaha qorshayaashan ay ku jiraan siyaasiyiin xilal ka waayay Dowladda Somalia, inkastoo aan magacyadooda la sheegin.

PUNTLAND POST